Deg Deg Dhageyso: Ciidamo Ka Wada Tirsan DFS Oo Ku Dagaalamay Muqdisho..

Iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda ayaa maanta ka dhacay Degmada Dharkenley ee G/ Banaadir.

Dagaalkan ayaa ka dhashay, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ee isku dayeen in Lacago baad ah ay ka qaadaan dadka shacabka ah ee ku nool Xaafadda Kaawa Godey ee Degmadaasi Dharkenley.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxaana la sheegay in tallaabadaasi ay ka hor yimaadeen Maamulka iyo Ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in khasaaro uu ka dhashay iska hor imaadkaasi, kaasi oo u badan dhaawac.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA