DHAGEYSO: Dowladda iyo QM oo ka wada hadlaya arrimaha Bini’aadinimada

Dhawaan ayaa lagu wadaa in la qabto shir loogu hadlayo xoojinta arrimaha Bini’aadinimada Soomaaliya.

Shirka ayaa u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, bah weynta Caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa loogu hadli doonaa xoojinta jawaabaha dhanka biniaadanimada iyo caqabadaha wajahaya Soomaaliya sanadka 2018.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa loogu hadli doonaa sidii casharo loogu baran lahaa caqabadihii Soomaaliya ay wajahday sanadkii la soo dhaafay iyo sidii loogu gudbi lahaa.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sida qorshaha uu yahay shirkan ayaa sidoo kale loogu hadlaya qorshaha jawaab celinta arrimaha biniaadanimada ee dowladda Soomaaliya ee sanadka 2018.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qodobo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed laga soo saari doono shirka.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada inta badan lagu dhaliilo iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatooyinka la xiriira ee beni aadanimada, waxaana soomaaliya sanad walbo loogu deeqaa lacago la doonayo in wax loogu qabto arrimaha beni aadanimada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA