Dhageyso Fadeexad: Xil.Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin kale oo Hurinaya Dagaal Beeleed…

Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa dagaal khasaaro geystay waxa uu duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray laba Beelood oo halkaasi ku wada nool.

Maamulka degmada Balanbale ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas kaas oo sheegay ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin iyo mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Gudoomiyaha deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamed ayaa sheegay in dagalkaas uu ka dahcay deegaanka Kaxandhaale ee duleedka Balanbale isla markaana uu ku lug leeyahay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay wada dagaalameen dad Reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah,isla markaana dadkaas ay dagaalkooda hurinayaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale xiriir ayaan la sameynay Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu eedeeynayo in uu hurinayo dagaalkaas si uu uga jawaabo eedeynta loo jeedinayo balse kama jawaabin taleefoonadeena.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA