DHAGEYSO: Hal Arin Oo Sabab Ka Dhigtay In Madaxda Maamul Gobolleedyada U Aadi Waayaan Garowe

Inkastoo Qorshaha markii hore uu ahaa in Madaxda Maamul gobolleedyada Dalka ay tegaan Garowe ayaa hadana waxaa soo baxay war kale oo baajiyey Safarkooda.

Badweyn.com ayaa si hoose u ogaatay in Madaxda Dawlad Gobolleedyada ay qaarkood ku mashquuleen Maamuladooda iyo howlo ukala dhantaalan.

Ilo Wareed muhiim ah ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo uu diiday in Kulan kula qaato Madaxda Maamul Gobolleedyada Garowe sidaa awgeedna iyaguna ay ka caroodeen hadalkaasi oo qaab caadifad leh u arkeen.

C/weli Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha ay Maamul Gobolleedyada ku mideysan yihiin ayaa isku dayaya inuu Xal ka keeni Dawlada dhexe iyo Madaxda Maamulada Dalka Ka jira Mad madoow Siyaasadeed oo qaarkood ka dhex jira.

Madaxweyne Farmaajjo ayaa la aamisan yahay in uu ku saleysan yahay Safarkiisa Garowe mid uu wax badan kaga duwan yahay Safaradii Baydhabo,Afgooye iyo Kismaayo ku kala bixiyey islamaarkaana lagu micneeyey mid caadifad ku hoos duugan yahay socdaalkiisaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamad says:

    Caadifadu micnaheedu ma qabiilba




ARIMAHA BULSHADA