DHAGEYSO: R/W Itoobiya Oo Fariin Halis Ku Ah Qaranimada Soomaaliya Usoo Diray Shariif Xasan Sh/Aadan

Ra’iisalwasaaraha Dalka Itoobiya Hailamariam Desegln ayaa waxa uu ka hadlay Damaciisa ku aadan in Soomaaliya qeyb kale oo ka mid ah uu qaato.

Dhul ahaan Soomaali Galbeed ayey Itoobiya Xalaaleysatay markii Dawladii Awoda Badneyd Siyaad Barre Hogaaminayey meesha ka baxday Sanadkii 1991-kii.

Hadda DDSI ayaa la yiraahdaa Dhulkii Soomaali Galbeed waxaana xoog ku heysato Itoobiya,islamarkaana ay Dadka Deegaankaasi isku Arkaan inay Itoobiyaan yihiin.

Waxaas waxaa ka daran in Itoobiya ay ubisan bisooneyso weli Dhul kale oo Soomaaliyeed inay qabsato,waxaana R/wasaare Desegln uu taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa Labada Mas’uul ay kawada hadleen in Dhinaca Ceel Barde oo Xuduud Itoobiya la leeyihiin qeyb ka mid ah ay ka sameeyaan Goobo Ceelal Biyo ah oo dadka lagu quudinayo,dhismayaalna ka hirgeli doonaan,taasi oo si tartiib ah ay Itoobiya ku qaadan rabto,balse Shariif Xasan ayaa ka gaabsaday ka fal celinta Damaca Itoobiya.

Badweyn.com ayaa isbar bardhig ay sameysay waxay ku ogaatay in Dooloow sidii ay uqaateen,Sidii Somali Galbeed ula wareegeen,Sidii Qalaafe iyo Balanbal Meelo ka mid ah Itoobiya Ugumeysato ay Hadda Dhinaca Ceel Barde ay uqaadan karaan,hadii aan jawaab cad la bixin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA