DHAGEYSO: Shirkii Wadatashiga Nabadeynta Gobolka Banaadir oo baaqday iyo sababta oo Thaabid shaaciyay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir, kaa soo lagu waday in uu Maalinta Beri ah ka furmo Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada ayaa sheegay in Howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday, waqtiga shirka laqaban doono uu Maamulka dib ka soo sheegi doono.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono Shirkaasi.

Sababaha uu shirkaan u baaqday ayaa qaarkood lagu sheegay in ay tahay Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doono degaanada Puntland iyo Galmudug.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA