Dhageyso: Weerarka ay qaaday S/land oo Sabab u noqday in la Baajiyo Dabaal-dag uu isku diyaarinayay C/weli Gaas….

Madaxweynaha Puntland C.wali gaas ayaa gabi ahaan joojiyay xafladii 8-da January oo uu ugu dabaal dagi lahaa sannad guuradiisii 4-aad ee kasoo wareegtay markii xilka loo doortay, taasi oo lagu waday inay Caawa Qabsoonto, Sidoo kale wuxuu si degdeg ah guddi ugu magacaabay Arrintii ka dhacday Tukaraq.

Dhinaca kale maamulka Gobalka Nugaal ee Puntland wuxuu soo saaray go’aamo dhowr ah oo ku saabsan Gadiidka safarka ,isla markaana ganacsi inay yimadaan Puntland ,iyado la hakiyaay ilaa amar dambe.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa sheegay in Somaliland ay bilowday daandansi dagaal, isagoo ka hadlay dagaalki Tukaraq kadhacay oo uu sheegay inay gacanta ku hayso Tukaraq Somaliland.

Dhinaca kale Guddoomiye Cumar Faraweyne ayaa sheegay in laga bilaabo ay hakiyeen nooc walba gadiidkii ka imaan jiray degaanada Maamulka Somaliland ,isla markaana aysan jiri doonin gadiid kabaxa Puntland oo galaya Gobolada Waqooyi.

Wuxuu sheegay in talaabo adag ay ka qaadi donaan Ciidamadda somaliland isla markaana Puntland difaaci doonto dhulkeeda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA