DHAGEYSO: Xildhibaano ka tirsan BF oo hoggaaminaya Dagaal ka dhan ah Shabaab…

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa in ay qeyb ka noqon doonaan hoggaaminta Dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab oo ka bilaabanaya Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan oo isugu jiraan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa la filayaa maanta in ay u ambabaxaan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, islamarkaana ay la kulmaan saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee hoggaamineysa Dagaalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Shgalay waxaa magaalada Beledweyne tagay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay Beledweyne tagi doonaan xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan.

Wuxuu sheegay shacabka reer Hirshabeelle in looga baahan yahay in ay garab siiyaan Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab.

Xildhibaanadan ayaa marka ay tagaan magaalada Beledweyne waxa la filayaa in ay booqdaan fariisimaha Ciidamada, iyaga oo ku dhiirageglinaya dagaalka, si ay horey ugu sii socdaan.

Dhowaanahan ayaa waxaa dagaalo goos goos ah ay ka dhaceen degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa Jabuuti iyo ururka Al-shabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA