DHAGEYSO:Gudoomiye Thaabid oo War culus kasoo saaray Dilal ka dhacay Muqdisho…

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in dadka Shacabka ah lagu dilo gobolka Banaadir ,islamarkaana aan caddaaladda ka la horkeenin Kuwa dhibaatada geysta.

Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah gacanta ugu soo dhiggaan Kooxaha dilalka qorsheysan ka geysta Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxaa uu si gaar ah uga hadlay labo dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay degmada Xamarwene, islamarkaana ay baxsadeen Kooxihii dilay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay daabaceen in ay dileen labo Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggidda Soomaaliya.

Todobaadkan gudihiisa ayaa magaalada Muqidsho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay  Al-shabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA