HOTNEWS DHAGEYSO: Xeer Ilaaliye Axmed Cali Daahir Oo Fariin Hanjabaad Ah Udireen H/Gidir & Jawaabtiisa

Ilo Muhiim ah ayaa usheegay Badweyn.com in Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ay Hanjabaad udireen Xubno ku abtirsada Beel weynta Habar Gidir.

Axmed Daahir ayaa waxa uu si hoose ugu sheegay Mas’uuliyiinta Qaranka in loogu goodiyey Dil oo naftiisa hadda uu ubaqanayo sabab la xiriirta kiiskii C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Xeer ilaaliye Daahir ayaa sheegay in isaga uu udhaartay Qaranka uuna ka baqeyn in la dilo balse uu ka cabsi qabo in isagoo Xasaanad Leh Ay Dawlada Amnigiisa dayacdo.

Waxa uu sheegay in Shakhsiyaad la yaqaano ay dabin ama shirqool isaga lagu dilayo diyaariyeen ayna ugudbiyeen Laamaha Amniga in lasoo baaro.

Tani waxay qeyb ka tahay Ku Talaxtaga Shaqada Qaranka iyo mida Qabiilka oo Wada socda ayna dhib weyn ku tahay Habsami socodka Shaqada Ee Jirta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA