SIR CULUS DHAGEYSO: Askarigii Dilay Wasiir Cabaas Oo Ka Dhoofay Muqdisho & Dalka Uu Aaday

Xogtaan oo Si hoose ay Uheshay Badweyn.com ayaa xaqiijineysa in Dable Axmed Ceydiid oo ahaa Gacan ku dhiiglihii dilay Allaha Unaxariistee Wasiir Cabaas ayaa Dalka ka dhoofay.

Askarigaan oo Dable Ciidan ah ayaa waxa Maxkamad ay kol hore ku riday Xukun Dil Khisaas ah balse isagoo aan xukunkiisa la fulin la sheegay in Beeshiisa ay dalka ka dhoofisey.

Badweyn.com ayaa heshay Khabar ah in Dable Ceydiid oo Beesha Habar Gidir Kasoo jeeda uu hadda joogo Dalka Turkiga islamarkaana Mas’uuliyiin Dawlada katirsan ay fududeeyeen in uu baxsado.

Ehelada Marxuum Ex Wasiirkii Howlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya Cabaas Sheekh Siraaji ayaa waxay dhowr mar soo gudbiyeen in Xukun Cadaaladeed la sameeyo oo Loo Dilo Ninkii dilay Wiilkooda balse Farmaajo uu ka dhego Adeegay Saxiixa Warqada Khisaasta.

Habar Gidir ayaa isku dayday inay hoos uxaliso Arinta Ceydiid oo ay ku sheegtay in si kutalo gal ah dilka udhicin sidaa ay tahayna ay mag dhaw bixineyso balse ay diiday Beesha Wasiirka kasoo jeedo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    DHIB MALE TURKIGA AYAA SOO CELINEEYSO HADDII LOO BAHDO IN LASOO CELIYO




ARIMAHA BULSHADA