WAR CUSUB Dhageyso: Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airline Oo Loo Diiday inay Ka Shaqo Bilowdo Xamar

Khabar ay Heshay Badweyn.com ayaa xaqiijinaya in culeys la saaray laga hor istaagay Shirkada Ethiopian Airline ka shaqo bilaabida Gudaha Muqdisho.

Xubno ka shaqeeya Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa inoo sheegay in Maamulka Ethiopian Airline ay ka biyo diideen saxiixa laga rabo Shirkadaha Duulimaadka ka sameenaya Dalka.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Ethiopian Airline oo ka mid ah Shirkadaha ugu Caansan Duulimaadyada Qaarada Africa ayaa waxay Maamulkeeda ay ka shirayaan sida ay ka yeelayaan Taakada ay kala kulmeen Dawlada Soomaaliya.

Xog ay heshay Badweyn.com ayaa tilmaameysa in la weydiistay Maamulka Ethiopian Airline Dhaqaale badan ayna diideen bixinta oo ay ku sheegeen shaqada Soomaaliya ka fulin lahaayeen ay iska dhaafayaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA