Warkii Hore War Soo Dhaaf Dhageyso: Wasiirada Ugu Badan Ee Lacagaha Ku Hela Dadka Ay Dhoofiyaan

Wasiirada Qaar Ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Shabkada Badweyn.com waxay soo ogaatay inay sameeyaan ficilo aan la fileyn.

Waxay qaar ku dhaqmaan in Wafuud ay ka dhigaan markii ay Dalka dibadiisa aadayaan Lacagana sidaa uga qaata.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA XOGTA

Wasiirada Qorsheynta Soomaaliya iyo midka Waxbarashada ayaana la sheegay in Qandaraasleey kuxiran ay joogaan oo sidaas lacago kaga macaasha dadka la dhoofinayo iyo isku xirka Madaxda Wasiirada ah.

Tusaale Wasiiradaan Jamaal Maxamed Xasan iyo C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa labaduba waxay lacago 5 Kun ilaa 6 Kun Dollar ka qaataan qofka markii ay Geeyaan Dalka ay howlaha Shaqo u aadayaan islamarkaana Dadkaasi laga dhigayo Wafuuda Wasiirka la socota.

Safar Bilo ka hor wasiir Jamaal ku tegay Jarmalka ayaa la sheegay in dhalinyaro Hablo iyo Rag iskugu jireen ay ka faa’iideysteen Safarkaasi oo Jarmalka ay iska dhiibeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA