XASAASI DHAGEYSO: Hubkii Ugu Casrisanaa Oo Soomaaliland Loo Gacan Geliyey & Imaaraat-ka Oo Qorshe Wadata

Hub Aad Uculus Casrina ah ayaa lasoo sheegayaa in Loo gacan geliyey Dawlada Soomaaliland oo iyadu isku Aragta mid ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Soomaaliland oo dhawaan Heshiis Muhiim ah la gashay Imaaraat-ka Carabta kuna wareejisey Dekada Ber bera ayaa waxa hadda la helayaa Xog Cusub oo ku aadan in Hub la keenay Somaliland.

Gaadiidka Gaashaaman,Qoryo ubadan BKM ama Daba jeexyo,AK47 iyo Rasaas Badan ayaana lasiiyey Maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Dekada Ber bera ayaa Doonyo kusoo xirtay waxay Labo Jeer ay Labo Todobaad gudaheed ka dejiyeen Hubkaasi oo si qarsoodi ah Habeenkii looga daabulayey Marsada Caalamiga ah Ee Ber bera.

Shabkada Badweyn.com ayaa heshay Xog ah in Imaaraat-ka Carabta ay doonayaan sidii loo heli lahaa Kalsoonida Dawlada Cusub Ee S/Land Ka dhisantay waxaana Hubkaan loogu talo galay in Amniga Lagu Sugo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA