XOG COD AH: RW Kheyre Oo Bisha May 2018 Sir Laga Helay Safarkiisa Dalka Qatar iyo Siriqda Soomaaliya Loo dhigayo

Sida ay Badweyn.com usheegeen Ilo katirsan Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya waxaa jirta Safar Bisha 5-aad Ee Sanakdaan Xasan Kheyre ku aadayo Dalka Qatar.

Socdaalkaasi ayaa waxaa laga helayaa warar is khilaafsan oo ku aadan waxa laga hadli doono markii laga shiro Xaalada Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA Warkaan

Wasiirka 1-aad Ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi Wasiiro ah ayaa Magaalada Doxa markii ay tegaan la kulmi doona Madaxda Dalka Qatar.

Waxa ugu weyn Ee Laga hadli doono waa sidii ay Galaan galka UAE iyo Xulufada Sacuudiga ay uga joojin lahaayeen Soomaaliya islamarkaana Qatar ay dooneyso in laga ceeriyo Dalalkaasi Xubnaha ujooga Xamar.

Lama sii hor dhici karo Siriqdaasi Ay Qatar Udhigeysto Imaaraat-ka Carabta iyo waxa ay Dawlada Federaalka Soomaaliya ka yeeli doonto iyadoo Lacago la sheegay in lasoo siin doono Dawlada Farmaajo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA