XOG COD AH: RW Xasan Kheyre Oo Hantida Dalka Ku bixiya Bahal Xafiiskiisa Lagu Koriyo & Xog La Helay

Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa Xog ay heshay Badweyn.com ay xaqiijisey in Eey Weyn lagu xanaaneenayo oo dhaqaale badana ku baxo.

Wariye katirsan Badweyn oo tegay Xafiiskaasi xilli shaqo ay socotay ayaa waxa uu soo arkay Eeyga oo maalintii Dhaqaale Gaar ah meel loo saaray oo wax loogu soo gado.

Eeygani ayaa Shaqaalaha Xafiiska waxay sheegeen in maalintii 70 Kiilo Hilib ah loo soo jaro oo loo keeno,taasi oo Hanti ku dheel waddanka ah lagu sheegay in R/W Kheyre Sameenayo.

Waa markii ugu horeysay oo Xafiiska R/wasaare xil kasoo qabtay Dalka lagu Arko Eey aan danta laga leeyahay weli la ogaan iyo shaqada gaarka ah uu qabto.

Marar badan R/wasaaraha waxa uu sheegay inuu la dagaalamayo Musuq maasuqa,balse waxaa muuqata in dhaqaalaha Qaranka oo lagu takrifalo ay Dawlada Soomaaliya madaxdeeda ubadan yihiin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Saalah says:

    Soomaalidu waxay tiraahdaa hadaad been sheegeysid mid lugo leh sheeg. Eey maalintii 70 kiilo hilib ah cuna xagee ka jiraa aduunka??!! Si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay.

  2. C.wahaab says:

    Wax suuro gàl ah sheego

  3. Shariifka says:

    Walaaloow eey 70 kilo hilib ah cuni karo maba jiree mise 7 ayad ka rabteen o eber aya idinka raacday 7 kilo haduu cuno waa caadi eeyguba dalka ayu wax ku leeyahay 70 hadey tahana waa jeebkiina boorko naga dhamaada

  4. hadialamin45@hotmail.com says:

    AREEY BEEN BADNAA MA EEY TODOBAATANKIILO

    WEB SAAYID YADA IN EEY BEEN BADAN YIHIIN

    NALA ARKA.




ARIMAHA BULSHADA