Xog Cod Ah: Thabit Cabdi Oo Arimo Laga Xumaado Ka Wada Muqdisho & Ballan Lagu Qaaday In…

Waxaa soo badaneysa Cabashada laga keenayo Xafiisyada Dawlada Hoose waxaana kusoo badanaya Musuq maasuq Baahsan oo haraadiyey.

Inkastoo Boor iska qaris wax umuuqda uu sameenayo Duqa Xamar thabit Cabdi islamarkaana Afka iyo Qalbigiisa ay kala duwan yihiin ayaa shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ay soo bandhigeen in ku takrifal dhinaca Mushaarka uu socdo.

Qaarkood Shaqaalaha Gobolka Banaadir waxay sheegeen in Hantida soo gasho Gobolka ay inta badan ku dhacdo Jeebka Thabit Mushaarkoodana xilligii munaasabka ahaa aysan qaadanin.

Sidaas oo kale waxaa ubadan Shaqaalaha Dawlada Hoose Beesha Murusade oo Reer Abti u yihiin Thabit taasi oo sabab ka dhigtay in xitaa ilaaladiisa gaarka ah ay Murusade yihiin.

Shabkada Badweyn.com ayaa xog ay heshay waxay sheegeysaa in dhulal ku yaalla Muqdisho uu Thabit Cabdi ka bixinayo lacag badan kana macaashay,xilli Xubno Caan ku ah Dalaalnimada oo Dawlada ku jira ay Booskaasi uqaabilsan yihiin..


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA