XOG CULUS Dhageyso: Beesha Madaxweyne Farmaajo Oo Go’aan Halis Ah Qaadatay Hadii Ay Waayaan Shakhsi Muhiim Ah

Beesha Mareexaan uu kasoo jeedo Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxay ku goodiyeen inay tallaabo cusub qaadi doonaan.

Waxay Beeshu ka hor timid Qorshe lagu doonayo in Xilka looga xayuubiyo Wasiirka ay ku leeyihin dhinaca Dawlad Gobolleedka Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA Warkaan

Sida Xog ay ku heshay Badweyn.com waxaa Wasiirka Amniga Ee Jubbaland C/rashiid Janan la sheegay in Xilka inta laga qaado la rabo in aan Xil kale loo magacaabin.

Waxgarad iyo Odayaal ku shiray B/xaawo oo Beesha Mareexaan ah waxay sheegeen in ay go’aan ku qaateen maamulka Jubbaland Wada shaqeynta ay kala noqon doonaan hadii Janan la shaar siibo.

Wasiirka Amniga J/Land Cabdirashiid Janan ayaa saameyn ku leh Maamulkaasi oo waxa uu ka mid yahay kuwa ugu miisaanka culus dhinaca Siyaasada Dawlad Gobolleedka J/Land isagoo deegaan ahaan Gobolka Gedo kasoo galay Maamulka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA