Xog Deg Deg AH Dhageyso: Mas’uuliyiin Caan Ah Oo Ku Khasaaray Lacago Isbaaro ka Heli Jireen iyo Halis Soo Wajahday

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa la aaminsan yahay in dhaqaale badan ay ka heli jireen Madax Katiirsan Dawlada Soomaaliya.

Inkastoo Lacagtaasi ay aheyd mid kasoo Xaroon jirtay Gaadiidka Laga qaado ee iskaga kala goosha Xamar ilaa Jowhar,Jowhar ilaa Afar Tuulo,Ilaa Gaadiidka Aada Gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA Warkaan

Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Dhexe iyo Qaar ushaqeeya Maamulka Hirshabelle ayaana la sheegay in Jawaano Lacag ah ay ka heli jireen Isbaarooyinkaasi.

Ciidan umuuqda kuwo Beel ahaan loo geeyey Hareeraha Wadada ayaana lacagtaasi ka qaada Gaadiidka Caasiyaasha ah iyo kuwa Xamuulka Qaada.

Badweyn.com ayaa xog ku heshay inay Hadda wajaheen Mas’uuliyiintaasi dhaqaale xumi soo wajahday markii ay maalmihii dambe soo bateen Weerarada Shabaab Ka geysanayaan Wadada udhaxeysa Jowhar ilaa Balcad oo Isbaarooyinkiina Cabsi Awgeed looga qaadin Gaadiidka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA