XOG DHAGEYSO: Jawaari Oo Lacago Helaya Si Uu Mahad Salaad,Axmed Fiqi & Xubno Kale Dhabarka Uga Jebiyo

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu doonayo sidii uu Xal uga keeni lahaa Xildhibaanada Dawlada kasoo horjeeda.

Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari ayaa kulan qarsoodi ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre Maalintii Sabtida aheyd oo Arimo Xasaasi ah kawada hadleen.

Xog ay heshay Baahin.com ayaa sheegeysa in Farmaajo iyo Kheyre ay Lacago ku bixinayaan sidii loo af qaban lahaa Mucaaradka Dawlada Ee Khaladaadkooda soo bandhigaya.

Jawaari oo Xariif ku ah Daminta Xiisadaha nuucaan oo kale ah ayaa sheegay inuu doonayo Wakhti loo siiyo si uu ula soo kulmo Xildhibaanada waayahaan Qaab Caadifeedka Dawlada uga soo horjeeday.

Mahad Salaad,Axmed Fiqi,Abshir Bukhaari,C/raxmaan Odawaa iyo Xubno kale oo Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ka mid ah ayaa loo arkaa inay yihiin Shabkad isku xiran oo jilaafo la doonaya Dawlada Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ARIMAHA BULSHADA