Xubno Ka Tirsan Daacish Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Somalia

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay maanta sheegeen inay Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish ku dileen duqeyn Diyaaradeed oo shalay ka dhacday Buuraha Golis ee Maamulka Puntland.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Agaasimaha Sirdoonka ee AFRICOM, Admiral Heidi K. Berg waxa uu ku sheegay inay dadaalkooda yahay inay burburiyaan Hoggaamiyayaasha Daacishta Somalia ee maamula dhaqdhaqaaqyadda Hawlgalladda, Maalgelinta iyo Isgaarsiinta.

Waxa uu intaasi ku daray in la garaacayo Qalbiga Kooxdaasi iyo in la carqaladeeyo Awoodda ay u leeyihiin inay sii wadaan Dhaqdhaqaaqooda Argagixiso, waa sida hadalka loo dhigay.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in inta badan duqeymaha waayadan dhacay lala beegsado Dagaalamayaasha Daacish-ta Somalia ee ku sugan Buuraha Golis.

Warka ka soo baxay Taliska AFRICOM waxaa lagu muujiyey in loo beegsanayo Kooxdaasi si loo yareeyo, loona rabusho inay si xor ah ugu dhaqdhaqaaqaan Degaanada iyo in laga takhaluso Hoggaamiyayaashooda.

Dhinaca kale, Hawlgalka AFRICOM waxay tilmaameen inay bishii hore fuliyeen 5 duqeymo Diyaaradeed oo ka dhan ah Daacish-ta Somalia, iyadoo ay qaar ka mid ah Xeel-dheerayaashu ku sheegaan tirada Kooxdaasi ilaa 200 oo Dagaalyahan.