Xuutiyiinta oo beeniyay inay weerareen Magaalada Makkah

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa beenisay war ay maanta baahisay Warbaahinta Sacuudiga, oo ahaa inay gantaal ku soo tureen magaalada barakaysan ee Makkah.

Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea oo qoraal soo dhigay facebook.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo Imaaraadka uu ka mid yahay, ayaa muddo afar snao ah dalka Yemen kula dagaalamaya Xuutiyiinta.

Taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga uu leeyahay, oo soo xiganaya goobjoogeyaal, ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca Sacuudiga ay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen laba gantaal oo nooca ballistic ah.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku socday magaalada Makkah, sida lagu sheegay warbixinta taleefishinka, oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay khaliijka, taasi oo u dhaxeysa Iran oo taageerta Xuutiyiinta, iyo dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Mareykanka oo dhinac ah.