5 sabab oo keentay hoos u dhaca qulqulka lacagta suuqyada dalka Soomaaliya

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya  waxaa yaraanaya qulqulka Kaashka iyo waxgadashada , sidaas oo kale socodka ganacsiga ayaa u muuqda mid tabardhigaya.

sida ay sheegeen dhaqaaleyahan kaladuwan iyo ganacsatada qaarkeed  hoos u dhaca awoodda wax iibsugu waxa ay keentay in labada dhinac ee ugu waaweyn ganacsiga ee  waxsoosaarka iyo adeegguba ay hoos u dhacaan kaddib taagdarro kutimid qulqulka lacagta ee Suuqyada ganacsiga.

Baahida ama dalabka waxsoosaarka iyo adeegyada ee Shirkadaha waaweyn ee tusaale ahaan ganacsiga  Muqdisho ayaa aad uga yar sidii u uhaa sanadkii hore si gaar ah wixii kadambeeyey qarixii kadhacay jidka Maka Almukarama 28-Febraury-2019.

Tusaaleyaasha ugu dhow  ganacsatada gaadiidku waxa ay iibin jireen bishii inta u dhexeysa 20-30 gaari oo isugu jira yaryar iyo waaweyn balse laga soo billaabo bartamaha sanadkii hore waxaa hoos u dhacayey tirada gaadiidka ee ay iibiyaan iyada oo billowgii 2019 si xoog ah hoos ugu dhacday iyada oo gaartay in la iibiya bisha oo dhan 6-10,  Cabdirashiid Axmed oo kamid ah ganacsatada soo dejisa gaadiidka ayaa yiri:-

Dhibaatada hoos u dhaca ganacsigu waxa ay nagu soo billaabatay bartamaha snaadkii 2018, si tartartiib ah ayay u soo xoogeysatay illaa ay gaartay in ay saameyso soo dejinta iyo dalabka gaadiidka ee dibadda! Halkii aan iibin jirnay 20-30 gaari lagana faa’iidi jiray lacag u dhexeysa $500-600 (Shan boqol ilaa Lix boqol oo dollar) hadda xaalku waa ka sii daray geerashka ugu fiican ayaa iibiya bisha dhan 2 gaari oo lagayaabo in ay deyn yihiin, faa’iidaduna aad ayay uga hooseysaa oo hadda lafaha ayaa laga caynsadaa gaadiidka ee faa’iido lagama raadiyo, kirada haddii uu iska bixiyo ayaan buro joognaa, qaarkoodna taargada ayaa ku dhacda oo waxa qasan nagu noqota in la soo cashuuro

Haddaba sida ay ay sheegeen aqoonyahanka dhaqaalaha iyo siyaasaddu waxa jira 5 sababood oo horseedday dhibaatada hoos u dhaca qulqulka lacagta iyo awoodda wax iibsiga ee suuqyada dalka si gaar ah Muqdisho, sababahaas ayaa qaarkood waxa ay kadhasheen go’aanno ay qaadatay xukuumadda Soomaaliya, waxaana kamid ah

  1. Go’aankii eryidda ergaygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom
  2. Deeq-bixiyeyaasha iyo xukuumadda
  3. Barnaamijka SMP (Staff Monitoring program)
  4. Qarashka socodsiinta wasaaradaha oo aan jirin guud ahaan
  5. Dhaqaalaha taageerada howlgalka C XDS oo hoos u dhacday
  • Go’aankii xukuumaddu ku eriday ergaygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom

Go’aankii adeegsiga PNG (Persona non grata) ee xukuumadda Soomaaliya dalka uga erisay waxa uu sababay in ay istaagaan dhammaan lacagihii yaryaraa ee mashaariicda QM lagu bixin jiray taas oo ay qaadan jireen islamarkaana fulin jireen ururada aan dowliga ahayn kuwaas oo kashaqeynayey dhinacyo kaladuwan oo kusaabsan horumarinta, tayeynta iyo tababarka, lacagtaasi waxa ay si dadban iyo si toos ah qayb uga ahayd dhaqaalaha socda ee dalka, Eryidda Haysom-na waxa ay hakad iyo kala fogaansho gelisay wadashaqeynta xukuumadda Soomaaliya iyo QM

  • Deeq-bixiyeyaasha iyo xukuumadda

Dowladaha deeqbixiyeyaasha waxa ay iskuhayaan habka iyo waxyaabaha la maalgelinayo iyo cidda yeelaneysa go’aanka soojeedinta waxyaabaha lagu bixinayo deeqda ay Soomaaliya hesho, deeqbixiyeyaashu waxa ay doonayaan in ay go’aansadaan barnaamijyada lagu isticmaalayo deeqaha adduunku siiyo Soomaaliya iyo hay’adaha fulinaya ama la marsiinayo dhaqaalahaas deeqda halka xukuumadda Soomaaliya dooneyso in dhaqaalaha  deeqda ah ee ay Soomaliya hesho  si toos ah loogu isticmaalo ama loo weeciyo dhinaca Barnaamij layiraahdo Tubaha xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 4 tubood kaas oo ay xukuumaddu dooneyso in ciddii deeq siineysa Soomaaliya ay marsiiso barnaamijkaa.

Muranka u dhexeeya deedbixiyeyaasha iyo xukuumaddu waxa uu sababay in mashaariicda horumarinta ee tusaale ahaan hay’adda QM  oo loo isticmaalo dhaqaalaha deeqda la siiyo Soomaaliya uu istaago sidaas awgeedna waxaa taagan qayb weyn oo kamid ah dhaqaalaha soo gala dadka caadiga ah si toos ah iyo si dadban labadaba.

  • Barnaamijka SMP (Staff Monitoring program)

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay codsatay in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya la cafiyo iyada oo la marayo hannaanka deyn cafinta ee waddamada soo koroya, sidaas awgeed xukuumadda Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay horumar la taaban karo kasameyso dhinacyada Maaliyadda, Maamulka, Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Barnaamijkan SMP wuxuu soo bilowday  May-2016, wuuna soconayaa ilaa inta laga gaarayo July- 2020, taas oo ku eg soo gebagebaynta wejigiisa afaraad. Wuxuu barnaamijkani dhiirrigelinayaa in isbeddel lagu sameeyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya, maamulidda iyo la socodka lacagaha Moobaylka la iskugu diro, ka hortagga lacagaha been abuurka ah iyo taageeridda kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

  • Qarashka socodsiinta wasaaradaha oo aan jirin guud ahaan

Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya muddo kudhow 2 sano iyo dheeraad ma haystaan dhaqaalaha socodsiinta howlaha wasaaradda (running cost Budget), taasina waxa sababay xukuumadda oo iskudeyeysa in ay bixiso mushaarka shaqaalaha rayidka,ciidanka iyo dhammaan qarashka howlgalka ee ciidamada.

  • Dhaqaalaha taageerada howlgalka C XDS oo hoos u dhacday

Mareykanka iyo Imaaraadka oo kamid ahaa dowladaha sida toos ah u taageeri jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay joojiyeen lacagtii ay ku bixin jireen ciidanka Soomaaliya, tusaale ahaan Imaaraadka oo bixin jiray $10 Milyan oo dollar waxa uu joojiyey guud ahaan lacagtaas iyada oo Mareykankuna uu qayab ahana joojiyey lacagtii uu ku kaalmeyn jiray ciidanka Soomaaliya, isaga oo hadda bixiya oo keli ah dhaqaalaha qayb kamid ah ciidanka.

Joojinta lacagahaas iyo hoos u dhigidda cadadkii geli jiray Suuqyada iyo daqliga dadka caadiga ah  waxa ay si toos ah iyo si dadban u saameysay dhammaan suuqyada iyo awoodda wax iibsiga ee dadweynaha.

Xigasho: Mustaqbral Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here