Ciidamada AMISON oo Odayaal Iyo Dhalin Yaro Kuxir xiray D/Jalalaqsi

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiran ayaa waxaa maalintii afaraad u xiran dad iskugu jira odayaal dhaqmeed iyo dhalin yaro, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Qabashada dadkan shacabka ah ay qabteen ciidamada jabuuti ayaa waxaa ay timid kadib markii todobaadkan bilowgiisa ay  ciidamaada Jabuuti  ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay kala kulmeen weearar jidgal ah.

Xildhibaan Cabdi ladiif Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada maamulka Hirshaballe deegaan ahaana laga soo doorto degmada Jalalaqsi oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa waxaa uu sheegay in dadkan ay yihiin kuwa shacab ah, maalintii afaraadna ay ku xiran yihiin Saldhig ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Jabuuti, xilli ay marayeen Buundada degmada Jalalaqsi, waxaana Al-shababab ay sheegeen in ay  ciidamada Jabuuti ku dileen sedex askari.

Wixii xiligaasi ka dambeeyay ayaa waxaa ay ciidamada Jabuuti bilaabeen in ay gacanta ku dhigaan dadka ay ugu shakiyaan in ay ku lug leeyihiin weerarada lagu qaado ciidamada Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here