Ciidamada Puntland oo Al-shabaab Kalawareegay Deegaan Ay Horay ooga Saareen

Ciidamo ka tirsan Kuwa Maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ay dib ula wareegeen Deegaanka Af-urur ee Gobalka Bari.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay xoog ula wareegeen deegaanka Af-urur ee Gobalka Bari.

Al-Shabaab ayaa si nabad gelya ah u qabsaday deegaanka Af-urur maalmo ka hor, kadib markii ay isaga baxeen ciidankii Puntland ee ku sugnaa deegaankaasi, iyadoona maanta cidanka daraawiishta ay la wareegeen deeganka Af-urur.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sida la sheegayo ku laabtay buuraleyda dhanka waqooyi ka xigta deegaanka  Af-Urur oo ay markii hore ka soo baxeen.

Deegaanka Af-urur ayaa  waxaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay  Shabaab iyo ciidanka Puntland, kuwaasi oo ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here