Gabadhii nafteeda ku weysay arrin Soomaaliya caan ka ah

Saddex dhakhtar ayaa lagu xiray magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, ka dib markii lagu eedeeyay inay haweeney da’ yar oo la shaqeyneysay ku dhaheen hadallo sabab u noqday inay isdisho.

“Markii hore dadka waxaan ku dhihi jiray waxaan dhalay dhakhtaradda lagu magacaabo Dr Payal. Laakiin hadda maxaan ku dhahaa?”, waxaa sidaas ku calaacashay Abeda Tadvi.

Gabadheeda Payal, oo 26 jir ahayd ayaa isdishay 22-kii bishii May, ka dib markii dhowr bilood lagu hayay tacaddiyo salka ku haya dhinaca dhaqanka.

Waxaa lagu caayi jiray inay kasoo jeeddo qabiil la heyb sooco, oo taariikh ahaan loogu tilmaamo inay yihiin waxa ay Soomaalida u taqaanno “Qumayooyin”.

Payal qoyskeeda ayaa saddex dhaqtar oo shaqada uga sarreeyay gabadhooda ku eedeeyay inay horseedeen geerideeda, maadaama ay dhowr bilood ku celcelinayeen hadallo heyb sooc ah.

Dhammaan saddexda eedeysane ayaa ah haween ka howl galayay xarun caafimaad oo laga shaqaaleysiiyay gabadhaas.

Booliska dalka Hindiya ayaa Talaadadii xabsiga u taxaabay saddexda dumarka ah, waxayna hadda ku wadaan baaritaanno la xiriira eedeymaha loo heysto, sida uu BBC-da u sheegay ku xigeenka taliyaha booliska oo lagu magacaabo Abhinash Kumar.

.Lahaanshaha sawirkaTADVI FAMILY
Image captionPayal iyo hooyadeed Abeda

Hase yeeshee, dhammaantood waxay beeniyeen dambiga lagu soo eedeeyay.

Ka hor inta aan xabsiga loo taxaabin, maamulka isbitaalka Nair, oo ay ka howl galayeen ayaa shaqada ka hakiyay.

Waxa ay xaruntu sidoo kale billowday baaritaanno ku saabsan arrintaas, si loo helo macluumaad dheeri ah.

Geerida Payal ayaa lama filaan ku noqotay saaxiibbadeed iyo dadkii kale ee ay isla shaqeynayeen, waxayna mudaharaadyo ka sameeyeen isbitaalka hortiisa, iyagoo dalbanaya inay caddaalad hesho.

Gabadhan ayaa kasoo jeedday magaalada Jalgaon oo ku taalla waqooyiga gobolka Maharashtra, oo sidoo kale ay ku taallo magaalada ganacsiga caanka ku ah ee Mumbai.

Waxay guursadatay Salman Tadvi, oo isaga qudhiisa dhaktar ka ah isla magaalada Mumbai, waxayna halkaas ugu guurtay inay ka dhigato jaamacad dhinaca caafimaadka ah.

Waxay kasoo jeeddaa qabiilka Tadvi Bhil, oo ka mid ah 700 oo qabiil oo laga heyb sooco dalka Hindiya.

Dadka u dhashay qabiilladan, ayaa lagu qiyaasaa 8 malyan oo ruux, sida lagu qeexay tirakoob la sameeyay 2011-kii.

Marka laga soo tago Hindiya, dhaqanka noocan ah ayaa wali ka jira meelo ka mid ah Soomaaliya, inkastoo aan horay loo soo tabinin dad isku dilay in la heyb soocay awgeed.

Laakiin waxaa marar badan dhacday in la faquuqay dad lagu tilmaamay inay ka dhasheen qabiillo noocaas ah, arrintaas oo ay culimada sheegeen inay tahay mid gabi ahaanba kasoo hor jeedda diinta Islaamka.

Xigasho BBC