Isu socodka gaadiidka Nairobi iyo Mandera oo dib loo furay & Alshabab oo laga cabsii qawo…….

Waxaa maanta mar kale dib u billowday isu socodka gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalooyinka Mandhera iyo Nairobi kuwaas oo shalay ay dowladda Kenya u hakisay sababo amni la xiriira.

Kenya ayaa shalay sheegtay in jidadka lagu arkay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay fuliyaan weeraro.

Cabdicasiis Cabdinuur oo ah maamulaha shirkadda basaska ee Maka ayaa VOA-da u sheegay in isu socoka gaadiidka ay maanta dib u bilaabatay oo uu baskooduna haatan ku sii jeedaan Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here