Odayaash Dhaqanka Somaliyeed oo Kubaaqay In Si’hagar La,aan ah Loola Shaqeeyo Dowlada

Afhaayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in la shaqeynta shacabka hay’adaha amniga ay fududeyn karto in la helo nabad galyo iyo xasilooni waarta.

Nabadoonka ayaa ka codsaday in dowlad iyo shacab la’iska kaashado xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in la helo Maqaamka Siyaadadeed ee magaalada Muqdisho, maadaama shacabka ku dhaqanka Caasimadda tiro ahaan ay ka badan yihiin saddex Milyan.

Muqdisho ayaa hadda wax matalaad ah aan ku laheyn nidaamka federaalka dalka, hayeeshii waxaa socdo qorshe lagu doonayo in lagu helo maqaamka Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here