Sawirro:Madaxweynaha KGS Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo,Fariin Culusna Diray

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo,Xili uu Cimro u aadey Magaalada Barakeysan ee Makkah.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweyayay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya,Wasiiro,Xildhibaano ,odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee saraakiisha Ciidamada ,iyo Ururada Bulshada Ra’idka Magaalada Baydhabo Ee xaruunta Gobolka Baay.

Intaasi ka dib Madaxweynaha ayaa waxa loo soo Galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ,halkaasi oo Kullan is xog wareysi ah kula qaatey ,Gollaha wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu horen waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye,isagoona Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku soo dhaweyay Magaalada Baydhabo.

Madaxeynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafat-gareen ,ayaa waxaa uu ka hadley Safarkiisa uu uga Maqana dalka sucuudi carabiya ,waxaa una sheegey in kani uu ka duwan yahay safaradii shaqo la aadi jirey , Safarkan aan u aadney Cimro,waxaan usoo duceyay Dhamaan Mas’uulyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya , ayaa wax marnaba la aqbali karin ku tilmaamey ,in Qof shacabka Ah wax galabsan la dilo oo dilo Askari Shacabka Amnigiisa Ilaalin lahaa Qofkii Qof dila Waa ladilaa ayuu Yiri’ Madaxweyne C/Casiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here