Sawirro:Wasiirka arimaha dibada Norway oo Muqdisho soo gaartay iyo warar shegaayo in Kheyre…

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide iyo wafdi ay hogaaminayso oo Booqasho ku yimid ku yimid Magaalada Muqdisho ee Casimadda dalka Soomaaliya .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’siiul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide,isla markaana waxaa ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dal iyo arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here