XASAASI: Wasiir ka tirsan Xukuumada Kheyre oo Shaqaalaha ka mamnuucay in Baraha Bulshada…

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shalay kulan la qaatay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda iyo madax-waaxeedyada Wasaaradda.

Kulanka oo u badnaa is xog wareysi iyo wargelin amarro soo baxay ayaa shaqaalaha oo dhan loo sheegay in ay u hogaasamaan amarka cusub ee lagu soo rogay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Amarka soo baxay ayaa ah in dhamaan shaqaalaha Wasaaradda ay mamnuuc ka tahay in ay u shaqeeyaan meelo kale oo ka madaxbanaan hey’adaha dowladda. Arintaan ayaa si gaar ah waxaa loogu digay Kooxda Waabari iyo wariyaasha Wasaaradda.

Fanaaniinta, Abwaanada, iyo Majaajileestiyaasha Hobalada Qaranka ee Waabari ayaa lagu amray in aysan ka soo muuqan karin Warbaahin kale oo si gaar ah loo leeyahay (Private Media), halka Wariyaasha la siiyay digniin midaas lamid ah.

Koox Waabari ayaa inta badan majaajilees-tiyaashooda waxay ka qeyb qaataan Ruwaayado ka baxa Tv-yada qaar iyo Idaacadaha si gaarka ah loo leeyahay. Sidoo kale fanaaniinta ayaa qeyb ka ah xubnaha ka shaqeeya hey’adaha kale ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in la ruqseyn doono qofkii jebiya amarkaan. Sidoo kale waxaa shaqaalaha laga mamnuucay in Facebook-gooda aysan ku aflagaadeyn karin qof dowladda Soomaaliya katirsan. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in aysan Shaqaalaha aragti dowladda looga soo horjeedo ama lagu dhaliilayo wax ay sameysay aysan ku soo daabici karin baraha Bulshada.

Arintaan ayaa waxay fajac iyo layaab ku noqotay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda. Qaarkood ayaa ku tilmaamay gumeyso iyo awood sheegasho ama ku takari-fal awoodeed oo uu sameeyay Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here