XOG-Wadahadalo Lagu Heshiisiinayo Puntland Iyo Xukuumada FS oo Fashilmay

Saraakiil Kudhow Dhow xafiiska madaxweyne Den, ayaa Wakaalada Wararkaa Badweyntimes u Xaqiijiyay, in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo xukuumadda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia.

Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa sida wararku sheegayaan ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha debadda Xukuumada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaal ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen gebi ahaanba  diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay  ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Dhinaca kale, Deni oo haatan safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, HirShabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulankaasi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajira cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here