Xuutiyiinta oo Gantaaladii Ugu Culusaa Kuweeraray Boqortooyada Sucuudiga..!!!

Warbaahinta Wadanka Sacuudiga ayaa sheegay inay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga xaqiijiyeen inay 26 qof ku dhaawacmeen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalkaasi.

Ganatalkaas ayaa Sacuudiga waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 26 ruux oo u badnaa Rakaab u dhashay dalal kala duwan,kuwaas oo xilliga Garoonka la weeraray sugayay inay ka dhoofaan.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuudiga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka khasaaraha kasoo gaaray Gantaalka ay ku sugnaayeen Halka Diyaaradaha laga raaco ee garoonka,isla markaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalada dalkaas.

Sidookale, Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Afka Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxa uu saacadihii hore ee saaka baahiyey inay Gantaal noociisa ahaa Cruise missile la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalladda Abha ee Sacuudiga.

Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Sacuudiga,hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudiga.

Kooxdaan ayaa horey u ballan qaaday inay Sacuudiga dalkeeda ka dareemi doonto dhibaatada ku heyso Yeman isla markaasna ay ka dagaalami doonaan gudaha Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here