2016 Maanta oo kale: Kursigii ugu horeeyay Aqalka Sare oo la doortay (Musharixiinta ku tartamay & Kharashka…)

Maanta oo kale, 15-kii October sanadkii 2016-kii, waxaa Soomaaliya si rasmi ah uga billaabatay Doorashaddii xildhibaannada labada Aqal ee Baaralmaanka Federaalka, waxaana la doortay kursigii ugu horeyay ee Aqalka Sare.

Codeyntan oo ka dhacday magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug, waxaana maalintaasi la doortay kursigii uu adkaa uguna qaalisanaa marka la eego lacagta ay adeegsadeen musharixiinta ku loolameysay.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamay Musharaxyada kala ah:

1- Abshir Axmed Maxamed oo ahaa Ganacsade iyo milkiilaha warbaahinta Goobjoog

2- Axmed Cabdi Kaahiye  (Maareeye xigeenka Dekadda Muqdisho

3- Kamaal Daahir Guutaale ( Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir)

KASHIFAAD: Kursigii ugu qaalisanaa Aqalka Sare & Kharashka khiyaaliga ah ee ku baxay..!!

Codeyntii dhacday ee Baarlamaanka Galmudug u qaaday saddexda musharax waxaa cod hal dheeri ah ku guuleystay mushrax Abshir Bukhaari, isagoo helay 48 cod, musharaxa kale ee Axmed Cabdi Kaahiye ayaa helay 23 cod, halka Kamaal Dahir Hasan uu isna helay 16 cod, waxaana xumaaday 1 cod, iyadoo ay codeyeen, 88 Xldhibaan.

Abshir Bukhaari ayaa sidaa ku noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Galmudug noqotay maamulkii ugu horeeyay ee doorashadani hirgeliya.

Abshir Bukhaari oo ku guuleystay kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigan ayaa sida la ogaatay waxaa ku baxday kharash fara badan oo ka badan Hal Milyan oo Doollar, waxaana warbixinta soo socota ku akhrisan kartaa sida kursigaasi lacagta loogu adeegsaday.