3 Talo oo Ku Aaddan Sida Ugu Wanaagsan ee Loola Dhaqmo Lamaanaha Xanaaqa Badan (Muuqaal)

Mar jiro xiriir lamaane oo mashaakil la’aan ah, gaar ahaan nolol maalmeedk caadiga ah ee joogtada ah waxaa ka dhasha khilaaf badan oo lamaanaha soo kala dhex galo, si hadaba aanuu khilaafkaasi u xoogeysan gaar ahaan marka uu lamaanahaagu caro badan yahay, waxaan kuu soo gudbineynaa xal sahlan oo aad khilaafka dhexdiidna ah aad ku yareyn karto adigoon wax dagaal ah la gelin, si aaney xaaladdu u cakirmin, waa sida ay ku talineyso khabiirka dhanka xiriirka ee (Marwah Axmed).

  1. Ku fakar mugga mowduuca aad isku haysataan uu leeyahay

Waxaa iska caadi ah in xiriir kasta uu jiro khilaaf ra’yi kala duwanaashiyo salka ku haya, laakiin waxaa jira arrimo aan mudneyn in sababtooda lagu kala caroodo, sidaa dartee; ku fakar bilowga mushkiladda in arrintu ay mudan tahay in la isku khilaafo iyo in arrinku uu yahay wax aan mudneyn in lagu murmo oo lagu kala caroodo, waxaad ogaataa waxa idin dhex yaallaa inuu yahay lagdan waxaad u baahan tahay uu yahay inaad guuleysato, marka ay mushkilad timaaddo waa inuu jiraa qof guuleysta ah iyo qof kale oo guuldarreysta, waxaa dhici karta inaad adigu markan khaldan tahay.

2- Arrinta u bedel mid Komedhi ah oo lagu majaajileyto

Isku day inaad tiraahdo eray qosol leh iyo inaad soo xasuusiso dhacdo qosol leh oo idin soo martay, waxaa dhici karta in eraygaa afkaaga ka soo yeeray uu mashaakilka oo dhan uu soo afmeero, laakiin ha isku dayin inaad u ekaato qof ku jeesjeesaya oo kale, si aanuu xaalku u sii xumaan.

3- Lamaanahaaga laabta geli

Marka uu is fahamwaa jiro ama khilaaf uu ka dhex taagan yahay lamaanaha, oo aad dooneyso inaad soo afjarto si wanaagsan oo aan wada hadalba loo baahan, lamanahaaga si jir ahaan ah ula xiriir oo laabta geli, markaa iyada ah dhankii kale waxaad u gudbineysaa farriin dadban  oo caddeyn u ah inaad dooneyso xiriirku inuu sii socdo oo aan halkaa lagu kala dhaqaaqin.
https://web.facebook.com/goobjoognews/videos/2329669680442694/?t=0