4-ta Xubnood Ee Farmaajo Uxilsaaray Dib Udoorashadiisa (Akhriso)

Madaxweynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa geed dheer iyo mid gaaban ufuulay sidii Xukunka dib ugu soolaaban lahaa.

Dawlada waxay wajaheysaa Culeysyo dhinacyo kala duwan ah oo ay ugu weyn tahay Mida Maamul Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ka heysata.

Sidoo kale Murashaxiinta madaxweynaha ayaa dhankooda muujiyey inay diidan yihiin Doorashada aan wadar ogolka lagu aheyn in Dalka ay ka qabto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Afar Qof uxilsaaray ka shaqeynta dib udoorashadiisa kuwaas oo kale ah:

Maxamed Cumar Dalxa: Xildhibaan Golaha Shacabka katirsan

Mahdi Guuleed Khadar: Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka

C/raxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Maaliyada Dalka

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir: Taliyaha Nabad Sugida Qaranka

Hadaba waxaa jira xubno kale oo Dawlada kala shaqeyn doonaa Xukunka in Mar kale Dib loogu soo celiyo Madaxweyne Farmaajo Sida Cali Cabdi Wardheere oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir,Xasan C/llaahi Maxamed Oo ah Madaxweyne Farmaajo Walaalkiis.

Xaalada Muqdisho Ee ololaha Doorashada ayaa waxay maalmahaan aheyd mid dansan,balse Madaxtooyada ayaa dar dar cusub la timid iyo kulamo dadka looga dhaadhicinayo in khaladaadkii dhacay Dawlada Afarta sano in la sixi doono.