Afhayeenka xukuumada oo tallaabo sharci in laga qaado ku taliyey dadka isticmaala…

Warbaahinta caadiga ah waxa ay leedahay tifatir hubiya wararka iyo barnaamijyada ay sii daayaan, laakiin Baraha Bulshada ayaa waxa ay noqdeen Barta Baas Abuurka oo ay bulshada ka fidneeyaan dadka kuwii ugu sharta badnaa ,ugu akhlaaqda xumaa.

Tani micnaheedu maaha in dadka wanaagga ka fara ay ka maqan yihiin Baraha Bulshada, wey badan yihiin balse waxa ka saaid caleeyay kuwa xumaanta u taagan.

Tusaale yar, maalmo yar ka hor annaga oo ku jirna qof ka horjeeda hoolka ayay Madaxda Gollaha Wadatashiga ku shirayeen ayaa waxaa i soo wacay nin ka mid ah kuwa sharta buufiye wuxuu i weydiinayaa “Labada Madaxweyne ee is feeray yaa gacan qaadka ku horreeyay live baan mar dhow galayaaye “ Waxaan ku iri walaalow aniga meesha jooga , waxaasina ma maqal,ma arag ee Ilaah ka baq fidno aan jirin umadda ha u sheegin, wax kaa soo galaya ma jiraan inaad kicin sameyso oo been ah.

Isaga oo xijiyaha taagaya oo ku adkeysanaya saxbimada warkiisa ayuu igu yiri taas anigaa hubo oo dhaawacooda ayaadba arki doontaa.

Ninkii dib baan u eegay wuxuu qoray sheekadii wuu iska daayay laakiin qubxi intaa ka daran oo shirka ku saabsan ayuu ka wareegay.

Waxaan is weydiiyay qof Soomaali ah oo og xaaladda dalkeennu maanta maraya sida uu uga maacaashi karo colaad iyo naceyb Soomaali dhexdeeda inuu huriyo.

Sharci quseeya adeegsiga Warbaahinta Baraha Bulshada hadaan la helin dalkeenna waa loo baqaa diinta, sharafka qofeed iyo dowladnimadeenna.

W/Q: Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu