Ahlusuna oo laga saaray deegaan ay dhawaan qabsadeen & cabsi dagaal oo jirta

Ciidamada Dawlada ayaa Xalay Xili Dambe gaaray Deegaanka Ceel dheere oo Magaalada Dhusamareb ujira 28km waxaana uu ku yaallaa dhinaca koonfureed.

Ceel dheere waxay dhacdaa wadada isku xirta dhuuso mareeb iyo guriceel iyadoo cabsi badan la dareemayo.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in halkaasi lagu arkayo Ciidamo aad u badan oo Deegaanka gudaha u soo galay.

Dhaqaaqaan ciidan oo bilaaw u ah howlgalka safka balaaran ee ku wajahan guriceel ayaa durbadiiba sii kordhiyay xaalada hubanti la’aanta amni ee ka jirta guriceel oo ay mudo todobaad ka badan maamulayaan kooxaha hubeysan ee taabacsan Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir “Ahlusunna”.

Degmada Guriceel ayaa Dadka Shacabka ah Saaka waxa ay bilaabeen inay Magaalada ka baxaan oo ay ka barakacaan Cabsi ay ka qabaan in Halkaasi Ciidamada Dawladda iyo Kuwa Ahlusunna ay ku dagaalamaan.

Lama oga in Ciidamadu Ceel dheere ka sii gudbi doonaan iyo in kale iyadoo la arkayey gaadiid dagaal iyo ciidamo hubeysan oo la socday.