Akhriso: Hirshabeelle Oo Caddeysay Mowfiqkeeda Doorashada 2020-2021

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa looga hadlay Mowqifkooda ku aadan Arrimaha Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020-2021.

Warka kasoo baxay Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashooyinka loo baahan yahay inay ku dhacaan waqtigii loogu talagalay, waxaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga digtay inay sameeyan muddo kororsi.

Sidoo kale Hirshabeelle ayaa sheegtay inay la socoto doodad Hindi-sharciyeedka Doorashooyinka ee ka socota Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyagoona xusay in looga baahan yahay in sharci kasta oo la ansixiyo uu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu tilmaamay inay Garwaaqsan yihiin in Soomaaliya tahay wadan Jilicsan oo kasoo kabanaya Colaado.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Hirshabeelle