Akhriso: magacyada Horjoogayaal Al shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo dilalka oo hal meel ku dhintay

Taliska Nabad Sugidda Gobalka Banaadir ee NISA ayaa xog ay heleen waxa ay ku sheegeen iney dhinteen hogaamiyeyaal katirsan Al shabaab oo qaraxyo abaabulayay.

Taliska NISA ayaa sheegay iney saaraakiil sare sare iyo horjoogayaal dhan 7 ruux iney hal meel ku dhinteen kadib markii ay la qaraxday miinooyin ay wadeen.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in qaar kamid ah lagu dilay weerarkii Bariire islamarkana jab xoog leh ka soo gaaray ururka Al shabaab.

Hoos ka akhriso warkan ay daabacday Idaacadda Ciidamada Qalabka ee ku hadasha afka dowladda

Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa Helay xog ah in ay dhinteen labo Horjooge oo u qaabilsanaa Al-Shabaab dhagarta Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada Miinooyinka, waxayna kala yihiin Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose.

Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir, kana hooseeyey Daariq. Muuse Kooble iyo 6 dhagar-qabe oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday deegaanka Tooratooroow ayey 28-03-2021 kula qaraxday deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dhanka kale 03-04-2021 Daariq, waxaa lagu dilay dagaalki Degaanka Bariire ee ay Ciidanka X. D. S jab xoog leh ku gaarsiiyeen Kooxda Al-Shabaab.

Labadan dhgarqabe ayaa Argagixisada Al-shabaab muhiim ugu ahaa maleegida dhagarta Shacabka, maadaama aad ugu xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada Miinooyinka, kuwaasoo isku dayey inay awooda saaraan sidii ay Qaraxyo kala duwan uga fulin lahaayeen Gobolka Banaadir.

Ha’yaddaha Amniga Gobalka Banaadir waxay Alle ka sokow u mahad celinayaan geesiyaashii X.D.S. ee horay u helay xogta Al-shabaab ee ku aadan Dabargoynta Ummadda Soomaaliyeed ugana hor tagay si geesinnimo leh isku deygooda, iyagoona xaqiijiyey awooda iyo kartida ay u leeyihiin badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo cadawga gaarsiiyey jab xoogan oo aysan abidkood ilaawi doonin.

Waxaan Rabbi naxariis iyo Janno uga baryeynaa Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ku shihiiday badbaadinta Shacabkooda, waxaanan Allaah caafimaad uga rejaynaynaa inta dhaawacu kasoo gaaray Jihaadka ay kula jireen Argagixisada Dhiig-miiratada ah ee Alshabaab.