Amiirada Imaaraadka oo Damacsan in Soomaaliya ka hirgaliyaan siyaasada qeybi oo xukun !!

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International Affairs” ayaa sheegay in horumar aan hore loo saadaalin uu ka soo ifbaxaya gobolka. Weliba waxuu maalgashata reer Yurub ku baraarujiyay inay la yimaadaan ganacsi indho furan, haddii loo baahdana ay iskaashi kala yeeshaan Mareykanka iyo Shiinaha si aysan u seegin fursadda.

Warkaas waxaa ka horreyay wareysi uu bishii February 18, 2020 CTC Sentinel siiyay Safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto kuna soo bandhigay siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Danjiraha waxuu sheegay in Mareykanku uu dadaal dheeri ah ku bixinayo sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa [amni, siyaasad iyo dhaqaaleba] (CT Foxhole Abril 2020).

Labada diblomaasi (Danjire) oo ah kuwa ugu khibradda dheer wakiilladda dalalka reer galbeed ee joogga qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska ayaa hadaladoodi ka muuqatay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in lala ganacsado, dekedaheedana ay muhiim u yihiin suuqa gobolka.

Balse xogta Safiirka Mareykanka uu bixiyay, malahaa waxay carqaladeysay qoorshaha qarsoon ee Amiirrada Abu Dhabi ka leeyahay Soomaaliya sida ka muuqata habka uu u dhigay hadalkiisa Michael Rubin oo afhayeen u ah ololaha kala qaybinta Soomaaliya – Waqooyiga iyo Konfurta. Qoraagu waxuu si aan suubbaneyn u suluugsan yahay siyaasadda Mareykanka ee xasillinta Geeska Afrika, waxuuna si aan daacad ahayn u eedeyay dadaallada nabad raadinta Ra’iisul-wasaare Axmed Abiy iyo Danjire Yamamoto (AEI Organisation – May 10, 2020).

Haddaba aannu isweydiinnee, maxaa Amiirka Abu Dhabi ka khuseya midnimada ummadda Soomaaliyeed [Liibiya iyo Yemen]? Maxuuse yahay hiigsigiisa mustaqbalka dalalka ku yaal xeebaha Badda Cas iyo mediterrania?

Qaabka cadawnimada leh oo ay Abu Dhabi u wajahayso Soomaaliya, waxaa si fiican loo fahmi karaa markii aanu eegno isbarbar-dhigyo xiiso leh ee ka jira Yeman iyo Liibiya oo in muddo ah dhacdooyin gudahooda ka dhacay ay dibudhac kala kulmeen dadaallada nabaddoonka ah.

Abril 4, 2019 Khalifa Xaaftar oo ay taakuleyso Isutagga Imaaraadka Carbeed ayaa weerar ujeeddadiisu ahayd inuu ku qabsado caasimadda Liibiya ku qaaday dowladda uu hoggaamiyo Fayez al-Sarraaj oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobey (QM). Weerarkaas waxuu dhacay 10 maalmood ka hor inta aysan labada dhinac ku kulmin kulan uu soo qabanqaabiyay Danjire Ghassan Salamé oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee QM.

Danjire Salamé oo u dhashay Lubnaan ayaa shaqadiisii uga tegay kaddib markii dhowr jeer la carqaladeeyay dadaalladiisii nabaddoonka ahaa. Bartamihii Abril 2020 ayaa Golaha Amniga ee QM qorsheeyay inuu ku beddelo Danjire Ramtane Lamamra, balse waxaa si lama filaan ah u horistaagay go’aankaas Mareykanka oo adeegsanayay diidmo qayaxan (Veto).

Dowladda Tripoli oo ilaa kol dhow guulo micna leh aan sameyn inay iska daafacdo weerarka mooye, ayaa taakuleyn militari oo ay ka heshay Turkiga u suurtaggelisay inay jebiso go’doomintii, ayna qabsato saldhiga diyaaradaha Al-Watiya iyo degmooyin muhiim u ahaa kooxda Xaftar ee ay taageeraan Imaaraadka, Masar, Ruushka iyo Fransiiska.

Horumaradaas waxay dhaleen natiijooyin cusub. Imaaraadka oo xulufeysanaya dalal ay ka mid yihiin Masar, Marooko iyo kuwa kale ayaa ku cadaadiyay Aqalka Cad inuu diido magacaabidda Danjire Lamamra, walow siyaasadda “congress”-ka Mareykanka ay taas ka duwan tahay.

Jan. Xaaftar ayaa Abril 27, 2020 si degdeg ah isku caleemo saaray asagoo leh “Ummadda Liibiya ayaa iga codsatay inaan dalka hoggaamiyo.” Danjire Lamamra oo horey u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jasaa’ir (Algeria) inta uusa xilka ka qaban Midowga Afrika ayaa leh khibrad uu golaha u arkayay inuu wax weyn kaga beddeli karo geeddisocodka nabadda Liibiya.

Dhinaca kale, Amiir Khalid bin Salman ayaa loo xilsaaray sidii dagaalka Yemen ee daba dheeraaday xal loogu xeli lahaa, kaddib markii November 2019 dowladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda gooni u goosatada Koonfurta (Southern Transitional Council – STC) ay wada saxiixdeen heshiiskii “Riyadh Agreement” kasoo durba la kulmay turaanturooyin ay ka dambeyso Abu Dhabi.

Walow inta badan gobollada koonfureed ee Yemen ay adeecen heshiiskii, haddana Abril 25, 2020 kooxda gooni u goosatada Koonfurta ayaa Abu Dhabi kaga dhawaaqeen is-maamul u gaar ah. Falaqeeyayaasha siyaadadda ayaa rumeysan in tillaabaadahaas aysan u suurtaggasheen kooxaha Yemen amase Xaaftarka Liibiya, haddii gacmaha qarsoon ee Abu Dhabi aysan hoos ka wadin. Shaki waxaan ku jirin, in Abu Dhabi ay ka argaggaxsan tahay in nabad ay geyigaas ka dhalato iyadoo aysan danaheeda meel saarneyn.

Si kastaba ha ahaate, Imaaraadka waxuu kaloo carqaladeyn ku hayaa madaxbannaanida Soomaaliya, maadaama ay tahay waddan colaad ka soo baxaya oo ay khayraadkiisu soo jiidan karo maalgashi calami ah, dekedihiisana la tartami karaan kuwa Imaaraadka.

Marka la eegayo sawirka guud, waxaa muuqaneysa in Abu Dhabi ay hirgelineyso siyaasad cakiran oo ku dhisan “qaybi oo xukun,” si ay u wiiqdo midnimada Soomaaliya [Yemen iyo Liibiya], meel cidla ahna uga qaadato (iyadoo aan laga siin saami u qalma) dekedaheeda muhiim u ah himiloyinka Shiinaha ee “Belt and Road Initiative” iyo quwadaha caalamka.

Haddaba, ajandaha qarsoon ee Abu Dhabi ayaa u muuqda inuu yahay inay xirmooyin dalal yaryar oo taabacsan ay ka abuurto xeebaha Badda Cas iyo midda dhexe (mediterrania), si ay ugu muuqato awood goboleed lagama maarmaan u ah danaha quwadaha caalamka (Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, Yurub, iwm). Miyuusan Amiirku oggeyn in gudcurka [silac] dayax ku xigo, habeenkana ay maalin ka dambeyso!

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim