Aqriso afar hab oo aad ku heli karto Wi-Fi lacag la’aan ah

Beryahan danbe hadii aad mudo kooban internet la’aan noqoto waxa aad dareemeysaa sida in aad joogto meel bahgooyo ah oo aan biyo laheyn waxa aadna dareemeysaa oon, waxa aad internet-ka u raadineysa sidii biyaha oo kale.

Hadii aad sidaa oo kale dareento waxa aanu kuu heynaa dhowr xal oo dabooli kara baahidaada.

Waxaa jira siyaabo badan ok loo helo internet Wi-Fi lacag la’aan ah oo aan ku weydiineyn wax lanbar sireed ah.

Instabridge waa application durbadiiba kuusoo qabanaya malaayiin Wi-Fi oo lacag la’aan ah si gaar Application-kan waxa uu kuu shaqeynayaa hadii aad ku nooshahay qaaradda Yurub.

Avast Wi-Fi waa application kale oo kuu sahlaya inaad hesho Wi-Fi bilaash ah, marba hadii aanu laheyn wax lanbar sireed ah application-kan ayaa xal kuu noqon kara.

Place to Work waa application kuu sahlay in aad hesho internet marka aad dooneyso inaad ju fuliso howlo shaqo la xariira waxa aadna isticmaali kartaa marka aad joogto maqaayadaha, meelaha shaaha lagu cabo iyo dukaamada.

Wifox waa application-ka 4aad ee kuu sahli kara in aad hesho internet bilaash ah.

Sida dunida caadiga ka ah garoomada diyaaradaha waxa ay leeyihiin WiFi bilaash oo ay isticmaali dadka ku safraya garoomadaa balse waxaa dhici karta in uu mararka qaar kaa go’o si lama filaan ah waxa aad isticmaali kartaa application-kan oo durbadiiba kuusoo qabanaya WiFi furan oo aad isticmaali karto.