ARIS HALIS WEYN: Mashruuca 2020-ka Ee Mideynta Dalalka Somaalia,Ereteria & Ethiopia

Dawlada Itoobiya ayaa waxay wadaa qorsheheedii ugu dambeeyey ee ay ku rabto ka miro dhalinta isku biirida ama mideynta Waddamada Soomaaliya,Ereteria iyo Ethiopia.

Qorshahaan waxaa soo hindisey Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali oo Sanadkii hore 2018 Bishii April Xukunka loo igmaday Jamhuuriyada Dimoqraadiga Ethiopia.

Inuu dhaqan galo waxaa la rabaa Mashruuca Mideynta Seddexda waddan,Sanadka soo socda ee 2020-ka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay arintaasi ka dihneyd ka hor inta aysan saxiixin Bishii November Heshiisyadii Baxar daar iyo Asmara ka dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tegay Adis ababa iyo Asmara,dhowr mar,sidaas si la mid ah Madaxweynaha Ereteria,Asias Afewerki iyo Ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa yimid Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo Mashruuca Mideynta Dalalka.

Hore waxaa buuq ka dhashay in Soomaaliya iyo Itoobiya isku biirayaan markii uu hadalkaasi ka dhawaajiyey Abiy Ahmed balse markii dambe uu xaalada dejiyey oo Soomaalidu aad uga caroodeen Khabarkaasi.

Dhawaan waxaa dibad baxyo Ballaaran ay ka dhaceen Gobolka Amxaarada,waxaana dhigay inkabadan 35 Kun Kaniisadood Hogaankooda oo Itoobiya ka jira,waxayna ka hor jeedeen islaamka ku fidaya Dalkaasi.

Ethiopia oo dadkeeda lagu qiyaaso 100 Milyan ayaa waxay siriqyo dhowr ah u abaabuleysaa Soomaaliya,sidaas si la mid ah Shiinaha ayaa isku biirinaya oo uu damacsan yahay Jabuuti iyo Soomaaliland oo Hal Waddan in laga dhigo la rabo iyaguna.

Saameynta kale ee la og yahay ayaa ah in Mareykanka uu rabo dhaqaale badana Ku bixinayaa in ay hor istaagaan Qorshaha Shiinaha uu ka leeyahay Dalalka Gobolka Africa Geeskeeda dhaca.

Israa’iil ayaa loolanka kusoo biirtay,xilli ay Soomaaliya dooneyso inay galaan gal ballaaran ku yeelato,waxaana diblomaasiyiin Yuhuud ah ay dhawaan imaan doonaan Muqdisho,lana kulmi doonaan Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Ma cada sida xaalku ku dambeyn doono,xilli Soomaaliya af libaax leh kusii dhaceyso sida ay dadka maxalilka ah sheegayaan hadii isbadel dhab ah laga sameyn hanqal taaga dalalka qaar kusoo yihiin.