Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo dhageysanaya Hadal jeedinta 27-Musharax.

Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta Musharixiinta u tartameysa 8-da kursi ee saami ahaanta ugu soo aaday Dowlad-Goboleedkaas oo Shahaadada musharaxnimada waxaa qaatay 27-xubnood.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in 9-kii ilaa 12-kii September 2021 la diiwaangelinayay musharixiinta kusoo baxay Liiska uu soosaaray Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Kuraasta qaar waxaa badan Musharixiinta u tartameysa sida (UH #14) oo ay ku loolamayaan 5-Musharax, (UH #13) waxaa isu diiwaangelisay 4-Musharax, (UH #12) Afar ruux ayuu dhex yaallaa & kuwo kale.

Kursiga (UH #08) waxaa u tartamaya Afar ruux oo labo Rag ah & labada kale oo Dumar ah, halka (UH#10) ay ku tartamayaan labo musharax oo keliya, kursiga keliya ee la hubo in Haweenku ay ku tashanayaan waa (UH #09).

Axmed Xasan Diini Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee DG Hir-Shabeelle ayaa Musharixiinta ka dalbaday in ay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan Baarlamaanka si khudbadaha xiligooda ay u qaataan.

Hir-Shabeelle waa Dowlad-Goboleedkii ugu horreeyay ee diiwaangeliyay musharixiintii ugu badneed ee u tartanka kuraasta Aqalka Sare BFS, Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xubnahaan soo gudbiyay ayaa ku tilmaamay in guud ahaan loo siman yahay tartanka oo ah mid furan.