Banaabax looga soo horjeedo Puntland oo ka dhacay Muqdisho iyo fadeexada toogashada dhalinyaro…

Waxaa magaalada Muqdisho isugu soo baxay ehelada iyo asxaabta Sideed dhalinyaro ah kuwaa oo maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Puntland ayaa sheegtay in dhalinyaradan ay katirsanaayeen Al shabaab islamarkana ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo kuwaa oo inta badan ka howlgali jiray gobalka Mudug gaar ahaan dhanka Galmudug.

Hooyooyin iyo Abaabayaal ayaa sheegay in wiilashooda ay Muqdisho uga tageen iney ka soo shaqeystaan gobalka Mudug islamarkana aysan aheyn Al shabaab oo koronto lagu qabtay islamarkana la jirdilay sidaasna looga duubay iyagoo sheeganaya Shabaabnimo.

Hooyoyinka ayaa xusay in ay la xiriireen saraakiisha sar sare ee Gaalkacayo gaar ahaan dhanka Puntland islamarkana la weydiiyay 3,000$ si loogu soo deeyo iyadoona markii maxkamadda ay xukunka ku rideysay aysan waalidntooda goobjoog aheyn.

Waalidiinta qaar ayaa sidoo kale sheegay xitaa hadii ay dambigaas galeen oo Al shabaab ay yihiin in lagu maxkamadeeyo Muqdisho islamarkana lagu toogto School  Bolisiya intee ay Puntland toogan laheyd.

Waaa waalidinta ay tilmaameen in wiilashooda meel cidlo ah laga maagay islamarkana eedeymaha loo jeediyay ay yihiin waxba kama jiraan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in 8-da xukmane ay ku caddaatay in ay yihiin shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab, kuwaas oo dilal madax-jebin ah iyo qaraxyo ka geysan jiray Gaalkacyo, gaar ahaanna dhinaca Galmudug.