C/weli gaas oo kashifay sababta Abiy Ahmed & Md Farmaajo iskaga amar qaataan

Dalka Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxa siyaasadiisa la sheegayaa in dalal shisheeye ay damaacis ku hayeen sanado badan.

Dalkeena waxaa la sheegaa waddamada deriska la ah ay galaan gal ku lahaayeen fara gelintooda tooska ah iyo mida dadban 20-kii sano lasoo dhaafay.

Madaxdii kala duwaneyd ee Dawlada Soomaaliya soo martay ayey xiriiro la lahaayeen kuwaas oo danahooda gaarka ah kaga fushan jiray dalkeena.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas oo kusugan Puntland ayaa ku dhaleeceeyey Madaxweyne Farmaajo mid amar ka qaata R/wasaare Abiy Ahmed.

Gaas ayaa muujiyey in madax banaanida Soomaaliya xad gudub ku tahay in dal kale laga sugo waxa uu kuusoo meeriyo in dalkaada ku xukunto.