Cali Cosoble Oo Arin Qarsoon Doorashada Soomaaliya Soo Bandhigay (Is weydii)

Madaxweynihii Hore Ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxa uu ka hadlay diyaar garoowga Loogu jiro Qabashada Doorashada Soomaaliya.

Arin Muhiim ah oo dadka badi isweydiin jirin ayuuna farta ku fiiqay islamarkaana fikirkiisa sheegay in doorashada dhaceysa dhawaan ay lamid noqon doonto midii Farmaajo kusoo baxay.

Rajo beel iyo quus ayuuna ka muujiyey in aan hormar badan la gaari doonin inta ay jiraan waxyaabo badan oo aan la eegin,ayna amni xumo iyo jidad xiran la arki doono.

Hoos ka Akhriso qoraalka Cali Cosoble 

2021-2025, xaaladda Soomaaliya wexey ahaan doontaa sidey soo aheyd 2016 -2020. Jidad xiran, bajaajley bilaa brake ah, mucaarad cusub oo careysan, xildhibaanno cusub oo xiiqsan, dhallinyaro aan shaqa heysan, jidad burbursan, barakacayaal dayacan, cunno yari, amni la’aan, EVC plus, beeraley baahan, xoolo dhaqato ay xoolihii ka dhamaadeen, AMISOM, taageero qabiil, danyar dan-darreysan iyo culeys kasta ee bulshada hore u heystay oo aan is dhimin.

Haddaad maqasho musharrax madaxweyne u fiirso, sida badan waa qof soo qabtay xil ummadeed oo farqahana ku sita lacag. Tolow lacagahaas xaguu ka keenay? Ma intuusan xil ummadeed qaban ayuu maalqabeen ahaa?

Lama arki doono nin beeraley ah oo musharrax ah, lamana arki doono nin suuqa bakaaraha ka shaqeysta oo musharrax ah, sidoo kalana lama arki doono macallin bare ka ah jaamacad oo musharrax ah, maxaa ka hor taagan?