Cali Dheere oo Dhaawac culus ku noqday dagaalka dhexmaray Ciidanka DF & Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo maalin ka hor ka dhacay degaanka Shaam oo hoos-taga degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareynkanka iyo Al-Shabaab ayaa deegaanka ku dagaalamay,waxaana sida wararka aan ku heleyno dagaalku sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Militariga dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen howl-galka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen xubno uu kamid yahay Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo ah af-hayeenka Al-Shabaab.

Warka dhaawaca Cali Dheere ayaa waxaa shaaciyey idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee SNA Radio.

Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaaca Cali Dheere uu yahay mid culus, islamarkaana lagu hayo degaan hoosyimaado Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada ciidamada qalabka sida ee dhaawaca Cali Dheere. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan.

Sida ay wararku sheegayaa Al-Shabaab ayaa ka war helay dagaal xoog leh oo loo adeegsaday hub culus iyagoo galbaniyay kolonyo gaadiid ah uu la socda af-hayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere waxaana la sheegayaa in aysan Al-Shabaab ciidamada dowladda ku ogeyn degaanka oo loo galay wado ku taala.