Cali Guudlaawe oo shaqada ka eryay agaasimiyaashii wasaaradaha amniga iyo qorshaynta Hirshabeelle!

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimayashii wasaaradaha amniga gudaha iyo Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Qorsheynta isagoo u magacaabay Agaasimayaal cusub .

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilka loogaga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Xasan isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Muxumad Cabdulle.

Agaasimayaasha xilalka laga qaaday iyo magacaabista kuwa cusub oo kumeelgaar ah ayaa lagu macneeyay in ay tahay talo soo jeedin ka timid wasiirada wasaaradaha amniga iyo Qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sidoo kale waregto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa xilkii loogaga qaaday Gudoomiyihii Hay’adda Qaxootiga Hirshabelle Khaliiif Warsame Waasuge iyadoo xilkaas loo Magacaabay Cabdisalaan Cabdullaahi Xaashi ( Angola ).