Ciidamada Puntland oo Boosaasa Kuqabtay Dhagar Qabayaal Katirsan Al-shabaab.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay xaaladda Amni ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Bari.

G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa sidoo kale faahfaahiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka Booliisku ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso iyo socdaallo ay ku soo kormeereen degaanno ka tirsan gobolka Bari oo ka baxsan laamiga sida buuraleeyda Galgala.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay shacabka Boosaaso sida ay Booliiska uga gacan-siiyaan sugidda Amniga waxaana uu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, iyadoona howlgalkaasi dad badan loo qabtay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in xubno Al-Shabaab ah ay ku qabteen Gobalka Bari, kuwaasi dhibaatooyin ka geysan jiray deegaanada Puntland.